Somaliland oo hakisay qorista shaqaale cusub
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo hakisay qorista shaqaale cusub

Hay'adda madaxa banaan ee shaqaalaha dawladda somaliland ayaa joojisay dhammaanba wixii shaqaale cusub ah ee la qori lahaa sanadkan, ee ku jiray miisaaniyadda sanadka 2017.

Guddoomiyaha hay'adda shaqaalaha dawladda, Sharma'arke Axmed Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in abaaraha ka jira dalka awgood loo joojiyay qorista shaqaalaha, oo miisaaniyadii gurmadka abaarta loo jiheeyay.

Guddoomiye Sharma'arke wuxuu u waramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.