Sicir bararka ka jira Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sicir bararka ka jira Somaliland

Somaliland, sicir bararka ayaa maraya meel aad u saameysay dadweynaha, siiba dadka danyarta oo aad uga cabanaya inaan shilinkii somaliland waxba u goyneyn, ka dib markii uu aad hoos ugu dhacay marka lagu sarrifayo Dollarka .

Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa u kuurgalay sida uu sicir bararku welwelka ugu hayo qoysaska danyarta ah, isagoo la kulmay haweenay lix caruur ah leh oo meel banaan ah oo suuq ah shaaha ku karisa.