Uleeya ragga idin qaba: Xaasas ulo loo qaybiyey

Guur wadareedyada India ayaa lagu caawiyaa dadka aan dhaqaalaha buuran haysan ee doonaya inay is guursadaan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Guur wadareedyada India ayaa lagu caawiyaa dadka aan dhaqaalaha buuran haysan ee doonaya inay is guursadaan

Boqollaal caruusado ah oo qayb ka ahaa guur wadareed ka dhacay India ayaa la siiyey ulo, waxaana laga dalbaday inay u isticmaalaan hub ay isaga dhiciyaan ragga qaba, haddii ayagoo cabsan ay ku gardarroodaan.

Ku dhawaad 700 oo caruusadood ayaa loo qaybiyey ulaha, kuwaasoo lagu guursaday guur wadareed ka dhacay magaalada Garhakota.

Farriimo ay ka mid ahaayeen "Waxaa loogu tala galay in loo adeegsado sakhraamiinta" ayaa ulaha oo alwaax ka samaysan ku qornaa, kuwaasoo qiyaastii le'eg 40cm, waxaana dhaqan ahaan loo isticmaalaa doobbiyada dharka lagu dhaqo.

Gopal Bhargava oo wasiir ka ah gobolka Madhya Pradesh ayaa sheegay in uu doonayo in la iftiimiyo mushaakilka xagga qoysaska.

Wuxuu u sheegay dumarka inay sabab u yeelaan marka ay raggooda ku garaacayaan.

Haddii raggu ay diidaan inay dhagaystaan xaasaskooda waa in, ulaha oo loo yaqaanno mogri, kuwaasoo lagu garaaco dharka la dhaqo, "ay hadlaan" buu yiri.

Bartiisa Facebook ayuu soo dhigay caruusado ulo sita. 10,000 oo ulood ayuu dalbay.

Guur wadareedyada ayaa laga sameeyaa India si dadka dakhligoodu hooseeyo looga caawiyo inay is guursadaan iyagoon wax kharash ah bixin.