Ciidammada Faransiiska oo Mali ku laayay malayshiyo

Faransiiska ayaa 4,000 oo askari u diray gobolkaas Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Faransiiska ayaa 4,000 oo askari u diray gobolkaas

Dawladda Faransiiska ayaa sheegtay in ciidammadeeda ku sugan Galbeedka Afrika ay dileen ama nolol ku qabteen 20 ka mid ah malayshiyo ku sugan kayn u dhaw xadka Mali ay la wadaagto Burkina Faso.

War ka soo baxay ciidammada Faransiiska ee ku sugan gobolkaas ayaa lagu sheegay in hawlgalkan ay ka qaybqaateen diyaaradaha dagaalka iyo ciidammo afantari ah.

Ma aysan shaacinin cidda ay ka tirsan yihiin malayshiyadaasi.

Askari Faransiis ah ayaa aagaas lagu dilay horraantii bishan.

Mali waxaa ka dhaca weerarro joogto ah oo ay gaystaan kooxaha Jihaad doonka ah inkastoo milatariga Faransiisku ay hawlgal ka fuliyeen dalkaas 2013kii, si ay dadka jihaad doonka ah uga saaraan magaalooyinka waqooyiga ku yaala.

Afhayeen u hadlay milatariga Faransiiska ayaa sheegay in malayshiyada lagu bartilmaameedsaday kaynta Foulsare oo ku taalla koonfurta galbeed ee gobolka Gao.

Baarlamaanka Mali ayaa Sabtidii u codeeyay in lix bilood lagu kordhiyo xaaladdii degdegga ahayd ee dalkaasi ka jirtay si wax looga qabto weerarrada dalkaas ka dhaca.

Qalalaasaha ayaa sidoo kale ku fiday dalka ay dariska yihiin ee Burkina Faso.

Weerar ay malayshiyadu soo qaadeen bishii Desembar ee sanadkii hore ayay ku dileeen 12 askari oo ku sugnaa xadka ay Burkina Faso la wadaagto Mali.

Weerar ay malayshiyadu ku qaaday hotel ku yaalla caasimadda Burkia Faso ee Ouagadougou ayay ku dileen 29 ruux, weerarkaas ayaa dhacay bishii Janaayo ee sanadkii hore.

Faransiiska oo horay u gumaystay Mali ayaa gobolkaas geeyay 4,000 oo ka mid ah ciidammadiisa si ay ula dagaalamaan kooxaha xagjirka ah.