Xisbiga PD ee Talyaaniga oo gudomiye u doortay Matteo Renzi

Matteo Renzi ayaa sheegay in loo dhiibay "masuuliyad aan caadi ahayn". Lahaanshaha sawirka EPA

Ra'iisalwasaarihii hore ee Talyaaniga Matteo Renzi ayaa dib ugu guulaystay hogaaminta xisbiga talada haya ee PD.

Renzi oo 42 jir ah ayaa ku guulaystay 70% codadkii laga dhiibtay doorashada xisbiga gudahiisa ah, isaga oo aad uga raayay labadii murashax ee kale ee la taagnaa.

Guushan ayaa ku soo celisay afka hore ee siyaasadda dalka Talyaaniga.

Renzi ayaa ra'iisalwasaarenimada iyo gudoomiyaha xisbiga iska casilay ka dib markii ay shacabta Talyaanigu diideen afti uu soo abaabulay bishii Desembar oo uu ku doonayay in isbadal lagu sameeyo dastuurka dalkiisa.

Instagram-ka ayuu ku qoray waa "waa masuuliyad aan caadi ahayn. Mahadnaq laabta ka soo go'day ayaan u gudbinayaa dumarka iyo ragga aaminsan Talyaaniga".

Renzi waxaa la tartamay wasiirka caddaaladda Andrea Orlando iyo Michele Emiliano oo gudoomiye degmo ah.

Dad lagu qiyaasay 2 milyan ayaa codkooda ka dhiibtay doorashada gudaha xisbiga ah ee uu guusha ka gaaray.

Renzi ayaa hadda xisbigiisa PD u diyaarin doona sidii uu uga qaybgali lahaa doorashada baarlamaanka ee la qaban doono bisha May ee sanadka 2018ka.

Ra'yi arruurintii u dambaysay ee dhawaan la sameeyay waxay muujinaysaa in xisbigu uu ka hoos maray dhaqdhaqaaqa FSM.

Mowduucyada la xiriira