dibadbax ka dhacay magaalada Istaanbuul

Turkiga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Muddaharaad Turkiga

Booliska dalka Turkiga ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u isticmaalay in ay ku kala eryaan dad dibadbaxyo ka dhigayay bartamaha magaalada Istaanbuul.

Dadkan dibadbaxayada dhigaya ayaa ka tirsan kooxda garabka bidix ee ka soo horjeeda dowladda.

Waxa ayna doonayeen in ay bartamaha magaalada ku qabtaan dibadbax lagu maamuusayo maalinta shaqaalaha adduunka oo maanta caalamka oo dhan laga xusayo.

Boqolaal qof ayaa isku dayayay in ay gudaha u galaan fagaaraha Taksim oo ku caan baxay dibadbaxyada, kuwaasi oo ka dhaga adkaystay awaamiirta dowladda ay halkaasi uga mamnuucday dibadbaxyada.

Dhowr qof oo ka tirsan dibadbaxayaasha ayaa xabsiga la dhigay.

Ciidamo badan oo kuwa ammaanka ah ayaa la geeyay halkaasi waxaana xiran qaddooyinka qaar ee magaalada.