Maseyrku ma la maareyn karaa?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maseyrku ma la maareyn karaa?

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa dhawaan lagu soo bandhigay buug ka hadlaya sida loo maareyn karo maseyrka haweenka.

Bandhiggii buugga ayaa waxaa ka qeybgalay haween isugu jiray hablo iyo hooyooyin.

Buuggan oo lagu magacaabo 'Maseyrka ma la maarayn karaa?' ayaa waxaa qoray Fardowsa Cabdulqaadir Cabdi, waxay BBC-da uga warrantay waxa lagu macneyn karo maseyrka iyo sababta ku dhalisay in arrimaha maseyrka ay wax ka qorto.

Weriyaha BBC-da Fardowsa Maxamed Cilmi ayey uga warantay.