Xamaas oo sheegtay inay dooneyso dowlad ku meelgaar ah

Dagaalyahanada kooxda Xamaas Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalyahanada kooxda Xamaas

Ururka Xamaas ayaa sheegay in uu hadda doonayo in uu aqbalo xukuumad ku meelgaar ah oo Falastiin yeelato, laakiin ay wali diidan yihiin jiritaanka Israa'iil.

Saraakiisha Xamaas waxay tallaabadan ku tilmaameen dabcin ay ku samaynayso siyaasaddeeda, laakiin Israa'iil ayaa arrintaas ku tilmaantay mid aan waxba ka jirin oo ay uga gol leeyihiin in ay ku marin habaabiyaan adduunka.

Ururku ugu wayn ee ay iska soo horjeedaan ee Fatax ayaa sheegay in Xamaas ku soo dhacday jid waafaqsan siyaasaddooda.

Hogaamiyaha kooxda Xamaas Khaled Meshaal ayaana tallaaadani kaga dhawaaqay magaalada Dooxa.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mas'uuliyiinta Xamaas

Fawzi Barhoum oo katirsan garabka Xamaas, kana hadlay arrintani ayaa sheegay in tani ay tahay fursad ay kula xiriiri doonaan adduunka intiisa kale.

Fawzi ayaa intaas raaciyay in farriinta ay Xamaas direyso ay tahay in aysan ahayn urur xagjir ah, sidookalena aysan necbayn Yuhuuda balse ay u dagaalamayaan dhulka laga haysto.

Dhanka kale afhayeen u hadlay Ra'iisulwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Xamas ay isku dayeyso in ay caalamka sirto balse aysan ku guuleysanaynin.