Buuq ka taagan dalka Venazuela

Madaxweyne Maduro Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Maduro

Madaxweynaha dalka Venezuelan, Nicolas Maduro, ayaa ku dhawaaqay guddi qaran oo arrimaha dastuurka qaabilsan kaas oo xaq u leh in uu dib u qaabeeyo dastuurka.

Wuxuu sheegay in uu harreer mari doono baarlamaanka oo ay qolyaha mucaaradka ah aqlabiyaddiisa haystaan, mucaaradkuna waxay sheegeen in arrintaasi ay khayaano noqon doonto.

Dalka Venazuela oo in muddo ah uu buuq ka tagnaa ayaa madaxweynaha dalkaasi , Nicolas Maduro waxaa uu ku baaqay in la dhiso barlamaan qaran oo awood leh oo dib u habeyn ku sameeya dastuurka dalkaasi.

Waxay u muuqataa in ay tahay talaabo ay dowladdu ku doonayso in ay badasho sida ay wax uga socdaan dalka oo ay ka dhacayeen rabshado ku dhowaad maalin walba dhaca iyadoo ay dalka ka jirto mushkilad dhinaca dhaqaalaha ah.