Nin lagu dilay bartamaha magaalada London

Bas Lahaanshaha sawirka MET POLICE

Nin toori lagu dilay ayaa laga helay bas marayay bartamaha magaalada London.

Ninkan oo 48 jir ah ayaa la helay isaga si xun loo tooriyeeyay.

Baareyaasha ayaa sheegay in ninkani uu baska ka soo raacay Brent Cross balse ay baarayaan goobta uu marayay basku marka ay tooriyayntu dhacday.

Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa daweeyay balse isla goobtii ayay ku sheegeen in uu geeriyooday, ilaa iyo hadda cidna looma qabanin weerarkaas.

Booliiska ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in ay aqoonsadeen qofka la dilay balse ay xaqiijin ka sugayaan qofka ugu xiga oo ay ku wargaliyeen dhacdadan.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Qaraabada ninka ayaa lagu wargaliyay sida ay wax u dhaceen

Noel McHugh oo u hadlay booliiska ayaa sheegay in ay doonayaan in ay xog ka helaan dadkii ku safrayay baskaas amaba macluumaadka haya dhacdadan.

"Muhiim ayay noo tahay in aan la hadalno qof goobjooge ahaa" ayuu hadalka sii raaciyay.

Lahaanshaha sawirka .