Maraykanka: hubka difaaca gantaallada een K/ Koonfureed ku rakibnay 'wuu shaqaynayaa'

Sawirka hore: difaaca gantaallada ee Thaad loo yaqaano ayaa loogu talagalay in ay qabtaan gantaallada Kuuriyada Waqooyi Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption The Thaad system, seen here in a file photo, is designed to take out North Korean missiles

Milatariga dalka Maraykanka ayaa sheegay in uu shaqaynayo "hubka gantaalada la isaga difaaco ee Thaad loo yaqaano" ee ay ku rakibeen Kuuriyada Koonfureed.

Muran ayaa ka dhashay rakibaadda maraykanka ee habkaas Thaad loo yaqaanno.

Afhayeen u hadlay milatariga Maraykanka ayaa sheegay in habkaasi uu hadda awoodo in uu qabto gantaalada Kuuriyada Waqooyi iyo in uu difaaco Koonfurta.

Laakiin saraakiisha ayaa saxafiyiinta u sheegay in ay bilooyin qaadan doonto in uu si buuxda u hawlgalo.

Dareenka ka taagan agagaarka gacanka Kuuriya ayaa sare u sii kacaya, iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay ku celcelisay hanjabaadeeda ayna halkaas gaareen maraakiibta dagaalka iyo gujisyada dalka Maraykanka.

Labo diyaaradood oo kuwa bambooyinka tuura ah oo uu Maraykanku leeyahay ayaa Isniintii dhoolatus la sameeyay diyaaradaha dagaalka ee Kuuriyada Koonfureed, arrintaas oo Maraykanku ay ku tilmaameen arrin si joogto ah loo sameeyo.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Qaar ka mid ah dadka Kuuriyada Koonfureed ayaa ka mudaaharaaday in dalkooda lagu rakibo Thaad