Heerka nafaqadarrada carruurta Soomaaliya oo sare u kacday 50%

BBC

Hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta eeUNICEF ayaa ku qiyaastay tirada carruurta Soomaaliya ku nool ee ay ku dhacday nafaqadarrada inay gaartay 1.4 million, taasoo ka dhigan sare u kac 50% ah, tan iyo billowgii sandkan.

UNICEF waxay sheegtay in rubuc milyan ka mid ah tirdaasi ay u dhibaatoonayaan macaluul khatar gelin karto noloshooda taas oo u nugleysay inay ku dhacaan cudurro ay u dhiman karaan sida kalooraha iyo jadeecada.

Soomaaliya waxaa ku dhuftay abaartii ugu darneyd mudo tobonan sano ah.

UNICEF waxa ay sheegtay in roobka sandlaha ee bilaawdo inta u dhaxeyso bilaha April iyo June ay si tartiib ah u bilaawdeen kaas oo nafis siiyay qeybo ka mid ah dalka.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in abaarahani ay isu bedeli karaan macluul la mid ah tii dhacday 2011 marakasoo kumanaan qof ay dhinteen.

Abaarta hadda taagan mala mid noqon kartaa tii 2011-kii?

Qaramada Midoobay oo abaarta u codsatay balaayin dollar