Weerarada burcadbadeedda galbeedka Afrika oo laba jibaarmay

BBC

Weerarada hubeysan ee lagu qaaday maraakiibta maraya badaha Galbeedka Afrika ayaa laba jibaarmay, sanadkii la soo dhaafay.

Burcad badeedda ay sare u qaaday weerarada ka dhanka ah shaqaalaha maraakiibta, sida ay sheegtay hay'adda la socodka hawlaha burcadda badda ee OBP.

Warbixintan cusub waxaa lagu xusay 95 weerar in ay ka dhaceen gacanka Guinea sanadkii 2016-kii, halka 54 weerar ay ka dhaceen isla gacankaasi sanadkii hore.

"Nigeria waxaa ku kordhay weerarada, 18 afduub oo madax furasho lagu qaatay ayaa ka dhacay intii u dhexeysay bilihii March iyo May," ayaa lagu sheegay warbixinta.

Mareykanka oo burcadbadeed Soomaali ah xabsi daa'in ku xukumay

Burcadbadeed laga sii daayay markab balse la tagay shaqaalihii saarnaa

Xatooyada alaabta waxaa hadda badalay afduubka shaqaalaha oo 96 gaartay, sanadkii ka horeeyayna ee 2015-kii 44 qof oo kali ah ayaa la afduubtay, sida ay xustay OBP.

Hay'addu waxay ku qiyaastay dhaqaalaha ku baxay burcadda badda Galbeedka Afrika ku dhawaad $794 milyan.

Weerarada dhowaan ka dhacay xeebaha Soomaaliyana waxay dhanka kale muujinayaan in dib ay u soo laba kacleeyeen burcad badeedda Bariga Afrika taas oo ka dhalatay feejignaan yaraanta, sida ay qabaan qorayaasha warbixintan.

Maisie Pigeon, oo ka mid ah qoraayaasha warbixinta OBP, waxay sheegtay in madaxfurashada ay u tahay qaab ay burcadda ku sameyn karaan hanti si dhib yar.

"Mid ka mid ah sababaha keenay sare u kaca dhacdooyiinka afduubka madax furashada lagu raadinayo waxaa u sabab ah iyadoo ay yartahay halista ay la kulmaan burcadda marka la barbardhigo falalka xatooyada'', ayay tiri Maisie Pigeon

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan