Maxaad ka ogtahay doorashada madaxweynaha Galmudug?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaad ka ogtahay doorashada madaxweynaha Galmudug?

Waxaa saaka lagu wadaa in doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ay ka qabsoonto magaalo madaxda Galmudug ee cadaado, kaddib markii xilkaasi uu iska casilay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdikareem Xussen Guleed.

Waxaana doorashadani oo horay loo baajiyay ka qeyb galay dhowr musharax.

Haddabo qaabka ay doorashada u dhaceyso ayaa waxaanu ka wareysanay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi cabdi Carabe , wuxuu na khadka teleefoonka ugu waramay weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato.