Maraykanka: "Yaan la maxkamadaynin askarta caddaanka ah ee ninka madaw dishay"

Xus loo sameeyay Alton Sterling Lahaanshaha sawirka Reuters

Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa go'aansatay in aysan dacwad ku soo oogin labo askari oo caddaan ah oo toogasho ku dilay nin madaw ah oo ku sugnaa gobolka Louisiana xagaagii hore.

Muuqaal laga duubay dhacdada ayaa muujiyay labada askari oo dhulka ku nabaya ka hor inta aysan rasaas ku furin, arrintaas ayaana sababtay mudaaharaadyo todobaad socday oo ka dhacay Baton Rouge.

Warka ku saabsan go'aankan ayaa loo dusiyay warbaahinta Maraykanka ka hor intii aan lagu wargalinin duqa magaalada iyo qoyska Sterling

Dadka ayaa markiiba billaabay in ay ku soo aruuraan bannaanka dukaankii uu dilku ka dhacay.

Kulan duco ah ayaa la qabanqaabiyay Talaadadii, dad aan badnayn ayaana isugu yimid meel u dhaw xarunta booliiska ee ugu wayn magaalada.

Baaritaan ayaa la billaabay wax yar uun ka dib markii 37 jirkan lagu dilay dukaan uu wax ka gadanayay.

Toogashooyin ay booliisku u gaysteen dad Madaw oo Maraykan ah ayaa wakhtigaas dhalisay dood ku saabsan adeegsiga awoodda ee booliiska.

Go'aanka faderaalka ee ku aadan in aan maxkmad la soo taagan labada askari ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay maamulka la wareegeen xukuumad cusub iyo Jeff Sessions oo isna ah xeer ilaaliye guud oo cusub.

Laakiin arrintaasi kama dhigna in gobolka Louisiana uusan xukun u gaar fulin karin.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan