Siddeed ku dhimatay bam lagu qarxiyay ciidammada gaashaan buurta Nato

Qaraxa ayaa ka dhacay goob mashquul ah oo ku taalla bartamaha Kabul Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaraxa ayaa ka dhacay goob mashquul ah oo ku taalla bartamaha Kabul

Weerar walxaha qarxa loo adeegsaday oo lagu qaaday kolonyo uu leeyahay hawlgalka gaashaan buurta Nato ee Afghanistan ayaa ugu yaraan siddeed ruux ku dilay magaalada Kabul, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dhammaan dadkaasi shacab ayay ahaayeen, afhayeen u hadlay dawladda ayaa sheegay in ay dhaawacmeen 25 ruux oo kale oo ay ka mid yihiin saddex askari oo Maraykan ah.

Weerarka lagu bartilmaameed saday gawaarida milatariga ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka intii lagu guda jiray saacadaha hore ee mashquulka badan.

Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Qaraxan ayaa dabasocda hanjabaad ay taalibaan soo gudbisay oo ay ku sheegtay in ay ku bartilmaameedsan doonto ciidammada ajaaniibta ah.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Labo ka mid ah gawaaridii la bartilmaameedsaday iyo kuwo kale oo wadada marayay ayaa aad u burburay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Guryo boqolaal mitir ka fog meesha uu qaraxu ka dhacay ayay daaqaduhu ka daateen.

Gawaarida qafilan ee dadka qaada oo loo qaabeeyay in ay qaraxyada waawayn u adkaystaan ayay u suurtagashay in ay ku laabtaan saldhigii gaashaan buurta, sida ay Nato ku soo qortay Twitterka.

Dhaawaca askarta soo gaaray ma aha mid naftooda halis galinaya waxaana lagu dabiibayaa xarun caafimaad oo ay leeyihiin gaashaan buurtu.