Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

BBC
Image caption Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji

Wasiir ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa lagu dilay maagaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.

Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji oo ahaa wasiirka howlaha guud iyo dib udhiska yaa waxaa toogasha ku dilay ciidammada dowladda, sida uu bartiisa Facebook-ga ku soo qoray wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Yarisow.

Ma cadda wali sida ay ku timid is isrisaaseynta uu wasiirku ku dhintay oo ka dhacday agagaarka madaxtooyada. Balse wasiirka warfaafinta ayaa sheegay inuu baaritaan socdo.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa booqday isbitaalka la geeyay meydka wasiirka, wuxuuna tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday iyo shacabka Soomaaliyeed.

Cabaas oo 32 sano jir ahaa ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirka ugu d'ada yar wasiirada xukumadda cusub. Wuxuu ka mid ahaa qaxootigii ku soo barbaaray xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Wuxuu sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Taariikh nololeedka wasiirka oo kooban

  • Wuxuu ku dhashay Afmadow 1985
  • Waxaa Dhadhaab loola qaxay 1992
  • Dugsiga sare ayuu Dhadhaab kaga dhameeyay 2005
  • Jaamacad ayuu Nairobi ka billaabay 2007
  • Dalka ayuu dib ugu laabtay 2011
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Cabdulaahi xerada Dhadhaab ayuu ku noolaa hadana waa xildhibaan