Maxay ka dhigantahay kullanka madaxweyne Trump iyo hogaamiyaha Xamaas?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay ka dhigantahay kullanka Trump iyo hogaamiyaha Falastiyiniinta?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ku qaabilay hogaaamiyaha Falastiyiniinta Maxamuud Cabbaas.

Trump ayaa sheegay in uu Falastiin iyo Israa'iil kala shaqeynayo sidii ay heshiis u gaari lahaayeen.

Waa markii ugu horreysay oo Trump uu toos ula kulmo Cabbaas.

Hoggaamiyaha falastiyiniinta ayaa dhankiisa sheegay in heshiis laga gaaro xal ku saleysan labo waddan oo deris ah looga hortagi karo argagixisada.

Trump ayaa labo bil ka hor la kulmay ra'iisalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu oo Trump ku tilmaamay saaxib dhab ah.

Haddaba kullanka hadda dhex maray Trump iyo Cabbaas, ma noqon karaa mid horseed u noqdo xal laga gaaro colaadda u dhaxeysta Falastiyiniinta iyo israa'iil? Su'aashi iyo kuwo kale ayaan u bandhigay Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha Islaamka iyo carabta.