Khasaaro ka dhashay fatahaada webiga Shabeelle
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Khasaaro ka dhashay fatahaada webiga Shabeelle

Roobab mahiigaan ah oo ka da`ay gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sababay in webiga Shabeelle oo ku dhowaad shan bilood qallalnaa uu ku fataho deegaanno ka tirsan gobolka.

Webiga ayaa biyo-dhigay beero ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan oo bishii Maarso ee sanadkan la beeray.

Cumar Muxumad Maxaad oo beertiisu ay fatahaaddu saameysay ahna guddoomiye ku xigeenka tuulada Buur-bishaaro oo Jowhar u jirta 10 kilomitir, kana tirsan deegaannada ugu daran ee uu webigu ku fatahay ayaa weriyaha BBC-da Faadumo Macallin Abuukar uga waramay khasaaraha soo gaaray.