Tirada dhimashada ee dibadbaxyada Venazuela oo korodhay

Dibadbaxyada Venazuela Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dibadbaxyada Venazuela

Tirada dhimashada ee dibadbaxyada mudada sodonka maalmood ah ka socday dalka Venezuela ayaa korodhay, waxaana haatan la soo sheegaya in inkabadan sodon iyo sagaal qof ay ku dhinteen rabshadahani, iyadoo ay fooda is dareen dadka dibadbaxa dhigaya iyo laamaha ammaanka ee dalkaasi.

Waxaa jira warar sheegaya in dad badani ay ku dhaawacmeen qalalaasaha ka taagan dalka Venezuela kaddib markii dhalooyin ay kujiraan Batrol oo ay soo tureen dibadbaxayaasha.

Ciidammada booliska ee dalka Venazuela ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa.

Dibadbaxyadani ayaa yimid kaddib markii uu madaxweyne Maduro horay u sheegay in qorshihiisa dhaqaale ee uu suuqa uga saarayo nuqulka lacagta bolivarka dalkaasi oo gaaraysa malaayiin ay burburisay suuqa madow.

Balse arrintaasi ayaa dhalisay dibadbaxyo kaddib markii shacabka dalkaasi ay waayen lacago cadaan ah oo ay cunto ku iibsadaan.

Nicolas Maduro, ayaa ku dhawaaqay guddi qaran oo arrimaha dastuurka qaabilsan kaas oo xaq u leh in uu dib u qaabeeyo dastuurka.

Wuxuu sheegay in uu harreer mari doono baarlamaanka oo ay qolyaha mucaaradka ah aqlabiyaddiisa haystaan, mucaaradkuna waxay sheegeen in arrintaasi ay khayaano noqon doonto.

Dalka Venazuela oo in muddo ah uu buuq ka tagnaa ayaa madaxweynaha dalkaasi , Nicolas Maduro waxaa uu ku baaqay in la dhiso baarlamaan qaran oo awood leh oo dib u habeyn ku sameeya dastuurka dalkaasi.