Aaas qaran oo magaalada Muqdisho loogu sameeyay wasiirkii Howlaha Guud

Aas qaran ayaa loo sameeyay marxuum Cabbaas
Image caption Aas qaran ayaa loo sameeyay marxuum Cabbaas

Aas qaran ayaa maanta magaalada Muqdisho loogu sameeyay wasiirkii wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u Dhiska marxuum Cabbaas Cabdullahi Siraaji oo xalay si aan wali sharrxaad buuxda looga bixninin ay askar ka tirsan dowladda tooagsha ugu dileen magaalada Muqdisho.

Madaxda ugu sarreysa dalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Janaasada marxuumka oo lagu qabtay masaajid ku yaalla madaxtooyada.

Waxana aaska ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo masu'uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa si lama fillaan ah u soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay dalka Itoobiya, ka dib dilka wasiirka.

Image caption Masaajid ku yalla madaxtooyada ayaa salaadda janaasada lagu tukaday

Wuxuu u soo gaabiyay si uu uga qaybgalo aaska loo sameynayo marxuumka.

''Waxaan ku amray hay'adaha ammaanka inay si dhakhse leh baaritaan ugu sameeyaan masiibadan foosha xun. Waana in kuwii ka dambeeyay la horkeenaa caddaaladda'', ayuu madaxweynuhu ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Wasiir Siraaji oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa laga soo doortay deeganada Jubbaland, isaga oo doorashadii Xildhibaanimada kaga adkaaday wasiir hore

Wasiirkii xalay Muqdisho lagu dilay

Image caption Marxuum Cabbaas Cabdullahi

War qoraal ah oo ka soo baxay Jubbaland ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka inay baaritaan baahsan ku sameyso dilkaas, isla markaana la soo bandhigo wixii ka soo baxa baaritaankaas.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqday isbitaalka la geeyay meydka wasiirka xalay, ayaa tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday iyo shacabka Soomaaliyeed.

Cabbaas oo 32 sano jir ahaa ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirka ugu d'ada yar wasiirada xukumadda cusub. Wuxuu ka mid ahaa qaxootigii ku soo barbaaray xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wasiirka ayaa la sheegay inuu watay gaariga marka rasaasta lagu furay

Siduu u dhacay dilka wasiirka

Wax badan lagama ogo sida uu dhacay dilka wasiirka. Wasiirka warfaafinta ee dowladda Federaalka Eng. Cabdrixmaan Yariisow ayaa BBC-da u sheegay in askeri saarna agaari ka horeeyay kan uu wasiirka watay uu rasaas ku furay wasiirka. Wuxuu intaasi ku daray in askeriga lagu tuhunsan yahay dilka la soo qabtay uuna socdo baaroitaan ku aadaan sida ay wax u dhaceen.

Taariikh nololeedka marxuumka oo kooban

  • Wuxuu ku dhashay Afmadow 1985
  • Waxaa Dhadhaab loola qaxay 1992
  • Dugsiga sare ayuu Dhadhaab kaga dhameeyay 2005
  • Jaamacad ayuu Nairobi ka billaabay 2007
  • Dalka ayuu dib ugu laabtay 2011
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muuqaal ku saabsan dilka wasiir Cabaas