Macdan qodeyaal reer Iiraan ah oo dhintay iyagoo saaxiibbadood badbaadinaya

Qaraxa ayaa dhacay amr ay shaqaalugu isbedelayeen Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaraxa ayaa dhacay amr ay shaqaalugu isbedelayeen

Meydadka ugu yaraan 21 macdan qode oo isku dayayay inay caawiyaan asxaabtooda shaqada oo ku go'doomay qarax ka dhacay goob dhaxaga macdanta laga qodo oo ku taalla waqooyiga Iiraan ayaa la helay, sida warbaahinta qaranka dalkaas ay sheegtay.

Sarkaal goobta ku sugnaa ayaa sheegay in 70 kale ay dhaawacmeen.

Sarkaalka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen macdan qodeyaal gaari saarnaa oo isku dayayay inay u gurmadaan 32 macdan qodeyaal ah oo ku go'doonsanaa gudaha meesha qaraxu ka dhacay oo ku taalla waqooyiga gobolka Golestan.

Qaraxa goobta macdanta laga qodo ayaa loo maleynayaa inuu ka kacay gaas.

Shaqaalaha gargaarka degdegga ah ayaa ku sugan goobta ay mashaqadu ka dhacday.

Balse ilaa iyo hadda wax war ah lagama hayo xaaladda macdanqodeyaasha go'doonsan.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shaqaalaha gurmadka

Waxaa la rumeysan yahay in ugu yaraan 1,300 oo mitir ay hoos ugu jiraan goobta macdanta laga qodo ee Zemestan-Yurt , oo u dhow deegaanka Azadshahr.

Raggan ayaa la sheegayaa inay khatar ugu jireen gaasas qarax dhalin karay. Wararka goor hore soo baxay ayaa sheegaya in ugu yaraan 50 macdan-qodeyaal uu qaraxu aasay.

Ma cadda tirada macdan-qodeyaasha ay waxyeelladu soo gaartay iyadoo maamulka meesha uu tan iyo Arbacadii soo bandhigayay tirooyin kala duwan.

Labo qof ayaa lagu soo warramayaa inay dhinteen subaxnimadii Arbacada, halka 25 kalena ay qaraxa ku dhaawacmeen.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption 16 macdan qodayaal ayaa ka badbaaday

Afahyeen u hadlay kooxda gargaarka degdegga ah ayaa sheegay in 16 qof ay ka badbaadeen goobta.

Waxaa jira warar sheegaya in laga yaabo in qaraxa gaaska ka dhashay uu sababay qof isku dayayay inuu kiciyo matoorka gaariga lorry-ga ah.