Hanti Dhowraha Guud ee Soomaaliya oo diiday xilkii laga qaaday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hanti Dhowraha Guud ee Soomaaliya oo diiday xilkii laga qaaday

Hanti Dhowraha Guud ee Soomaaliya, Dr Nuur Faarax Jimcaale, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xil ka qaadis ay xalay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Xil ka qaadista ayaa daba socotay dilkii habeenkii Arbacada Muqdisho loogu gaystay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliya, marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji, kaas oo la sheegay inay dileen ilaalada Hanti Dhowraha Guud.

Haddaba Hanti Dhowraha Guud ee Soomaaliya, Dr Nuur Faarax Jimcaale, ayaa waxa uu khadka taleefanka ee magaalada Muqdisho ugu warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, oo marka hore waydiiyay, sida uu u arko xil ka qaadistan lagu sameeyay?