Dhibaatooyinka ay la kulmaan umulisooyinka Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibaatooyinka ay la kulmaan umulisooyinka Soomaaliya

Umulisooyinka caalamka ayaa guud ahaan maalinkasta ku dadaala xaqiijinta in hooyooyinka iyo qoysaskoodu ay helaan daryeelka caafimaad ee ay mudan yihiin.

Waxaase inta badan dhibaatooyin xilliga dhalmada ah laga soo sheegaa qeyba badan oo ka mid ah dunida saddexaad, Soomaaliyana kuma sii jirtaba.

Haddaba maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee umulisooyinka, si loo xuso culeyska ay ku shaqeeyaan, waxaana sida ay tahay xaalada umulisooyinka Soomaaliya inooga warrantay, Dr Caasha Cumar Axmed (Caasha Kablow), oo khadka taleefanka ee Muqdisho ugu warrantay, Fardowsa Maxamed Cilmi oo marka hore waydiisay, xaaladda ay ku shaqeeyaan umulisooyinka Soomaaliya?