Kuuriyada Waqooyi: 'CIA-daa maleegtay shirqool lagu dilayo Kim Jong-un'

The plot involved targeting Kim Jong-un at a public event, officials saidShirqoolka ayaa ku aadanaa in Kim Jong-un la weeraro mar uu fagaare joogo, sida ay saraakiishu joogtay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shirqoolka ayaa ku aadanaa in Kim Jong-un la weeraro mar uu fagaare joogo, sida ay saraakiishu joogtay

Kuuriyada Waqooyi ayaa Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ku eedaysay in dad u shaqeeya ay maleegayaan shirqool ay ku dilaan hogaamiyahooda Kim Jong-un.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in lacag la siiyay qof ay "Kim" bas ah ku sheegeen si uu u gaysto weerar kiimiko loo adeegsaday, sida ay sheegtay wasaaradda amniga gudaha.

Waxay sheegtay in shirqoolkaas la fashiliyay Waqooyiguna "uu baaritaan samayndoono oo si aan naxariis lahayn u burburin doono" dadka ay soo dirsadeen Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi wali kama aysan hadlin eedaymahaas.

Lahaanshaha sawirka AFP PHOTO/KCNA VIA KN

Sheegashadan Waqooyigu waxay ku soo aadaysaa iyadoo ay sare u sii kacayso xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday in uu "xallin doono" arrinta Kuuriyada Waqoyi uuna joojin doono in ay kobciso nukliyeerkeeda.