Abaalmarin la siiyay askarta booliska Kenya ee sida wanaagsan bulshada ugu adeegta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaalmarin la siiyay askarta booliska Kenya ee sida wanaagsan bulshada ugu adeegta

Guddiga kormeerka iyo la socodka hawlaha booliska Kenya ayaa waxa uu muddo ka shaqaynayay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa booliska dalka.

Howlaha guddigan uu u xilsaaran yahay ayaa waxa mid ah sidii askarta loogu adkayn lahaa ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sharciga dalka.

Guddigu waxa uu haatan soo bandhigay abaal marino la siinayo askarta booliska ah ee sida fiican ugu adeega bulshada iyo saldhigyada ilaaliya xuquuqda maxaabiista ee dhinacyada nadaafadda iyo xuquuqda aadanahaba.

Hadba sida uu guddigan u shaqeeyo iyo wax ay uga danleeyihiin abaal marintan ay bixinayaan ayaanu ka waraysannay Faadumo Cali Sarmaan oo ka mid ah guddidaas, weriyaha BBC-da Bashkas Jug Soodhacay ayay u warantay.