Somaliland oo sheegtay in aanay ka qeybgalayn shirka Soomaaliya ee London
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo sheegtay in aanay ka qeybgalayn shirka Soomaaliya ee London

Iyadoo maalmo kooban un uu ka harsan yahay shirka magaalada London loogu qabanayo Soomaaliya 11-ka bishan May, ayey Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland waxa ay rasmi ahaan u caddeysay mowqifkeeda.

Somaliland ayaa werwer ka muujisay in cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya haatan laga qaado.

Haddaba umuurtan ayaa waxaannu ka warraysannay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, oo kaddib shir jaraa'id oo uu ku qabtay Hargeysa u warramay weriyaha BBC-da ee Axmed Saciid Cige, oo marka hore waydiiyay waxa uu yahay mowqifkooda ku aaddan shirka Soomaaliya ee dhawaan London ka dhici doona?