Lix ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Reuters Lahaanshaha sawirka Reuters

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay tiro ka badana way ku dhaawacantay qarax ka dhacay agagaarka mukhaayad ku taalla magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Qaraxan ayaa ka dhacay Maqaaxi lagu magacaabo Baar Italiano oo ku taalla waddada Mak Al Mukarramah.

Ma cadda wali in gaariga qarxay uu waddada marayay ama la dhigay agagaarka makhaayadda.

Ma jirto wali cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka balse kooxda Alshabaab ayaa weerarada noocan ah ka faluiso magaalaada Muqdisho.

Bishii February ayay kooxdu ku hanjabtay inay sare u qaadi doonto weerarada ka dhanka ah dowladda madaxweyne Farmaajo.