Dhalinyaro gelinna gawaarida ku dhaqda Hargeysa gelinna waxbarata
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhalinyaro gelinna gawaarida ku dhaqda Hargeysa gelinna waxbarata

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa waxa ay ka cawdaan shaqo la'aan haysata, taas oo mararka qaar qaarkood ku kalifta inay sameeyaan falal aan wanaagsanayn ama ay tahriibaanba.

Hasayeeshee koox dhalinyarro ah oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa intey isu tageen waxa ay sameysteen iskaashato ay u bixiyeen Muruqmaal.

Kooxdan waxa ay gelinka hore dhaqaan gawaarida yaryar halka gelinka dambana ay waxbartaan, sidoo kalana waxa ay caawiyaan qoysaskooda.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa la kulmay kooxdaasi dhallinyarada ah, warbixintan ayuuna ka diyaariyay.