Ganacsatada Soomaalida Kisumu oo dhimaya maalgashigooda deegaankaasi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsatada Soomaalida Kisumu oo dhimaya maalgashiga deegaankaasi

Waxaa sii xoogaysanaya ololaha doorashada guud ee Kenya ka dhici doonta 8-da bisha 8-aad ee sanadkan.

Doorashadan oo ay ku loolamayaan xisbiga haya talada dalka ee JUBILEE iyo isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayaa waxaa la saadaalinayaa inay noqon doonto mid si weyn loogu tartami doono.

Dhanka kale waxaa cabsi laga muujinayaa suuragalnimada inay soo laabtaan rabshidii xigay doorashadii 2007-dii, taasoo ay dad badan ku dhinteen hanti baddana lagu burburiyay.

Haddaba ganacsatada Soomaalida ee ku nool magaalada Kisumu ee galbeedka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in ay haatan ka fakarayaan inay dhimaan maalgashiga ganacsi ee ay deegaankaasi ku leeyihiin.

Weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato ayaa tegay magaalada Kisumu warbixintan ayuuna inooga soo diray.