Maxkamadda ICC oo arruurinaysa tacadiyada muhaajiriinta loogu gaysto Liibiya

Fatou Bensouda waa haweenayda fadhida midgta safka koobaad Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Fatou Bensouda waa haweenayda fadhida midgta safka koobaad

Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Fatou Bensouda, ayaa sheegtay in kooxdeedu ay uruurinayaan caddeymo ku aaddan dambiyada la sheegay in loo gaystay muhaajiriinta ka talowda badda dalka Liibya.

Bensouda ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo fadhigoodu yahay magaalada New York u sheegtay in Liibiya ay u muuqato inay suuq u noqotay dadka la tahriibiyo, iyadoo kumannaan muhaajiriin ah oo nugul oo ay ka mid yihiin haween iyo carruur lagu haysto qeyba ka mid ah dalkaasi.

Liibya waxay noqotay halka ay sii maraan muhaajiriinta doonanaya in ay galaan Yurub ee beegsanaya tahriibka badda.

Sida ay sheegtay hay'adda caalamiga ee soo galootiga ee IOM 20 kun oo muhaajiriin ah ayaa gacanta ugu jira kooxo burcad ah waxaana lagu hayaa xarummo ama goobo aan sharciyeysnayn.

Waxay intaasi ku dartay in tiro intaasi ka badan laga ganacsado oo la isku dhaafsado sida addoontii.

Waxaa loo gaystaan xadgudubyo dhinaca galmada ah, isla markaasna waa lagu shaqeystaa.

Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2011-kii waydiistay maxakamada ICC in ay baaritaano ku samayso falal dambiyeedyada lagu la kacay muhaajiriinta, iyadoo isla sanadkaasi ahaa bilawgii kacdoonkii xukunka lagaga tuuray hoggaamiyihii hore ee Libya Mucamar Al-Qadaafi.

Lahaanshaha sawirka .

Maxkamadda ICC oo la bilaabay 2002-dii ayaa waxay leedahay awood caalami ah oo ay ku baari karto kuna maxkamadeyn karto dambiyadda sida xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah aadanaha iyo dambiyada dagaalka.

Sidoo kale waxay samayn kartaa faragelin haddii Qaramada Midoobay loo gudbiyo kiisaska ay tahay in maxkamaddu ay baarto.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan