Boosteejada tareenka Paris oo dib loo furay ka dib markii xaalad ammaan loo xiray

Boosteejada tareenka ee Gare du Nord ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan ee magaalada Paris Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Boosteejada tareenka ee Gare du Nord ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan ee magaalada Paris

Boosteejada Gare du Nord ee ku taalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska ayaa dib loo furay ka dib markii loo xiray digniin dhanka ammaanka ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

Booliis aad u hubaysan ayaa isku gadaamay boosteejada qaybihii dambe ee Isniinta.

Wax faahfaahin ah lagama bixinin hawlgalkan laga sameeyay mid ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badan Yurub.

Laakiin warbaahinta dalkaasi ayaa ku warrantay in booliisku ay raadinayeen saddex ruux oo laga shakisan yahay.

Wargayska Le Parisien ee af Faransiiska ku soo baxa ayaa sheegay in hawlgalkaasi uu ku wajahnaa tareen ka yimid Valenciennes oo ku taalla waqooyiga Faransiiska.

Booliiska ayaa raadinayay saddex nin oo dal kale uu ku soo wargaliyay in ay yihiin kuwo halis ah, sida uu wargayskaasi sheegay.

Lahaanshaha sawirka LE DERNIER BANTOU VIA REUTERS
Image caption Booliis hubaysan

Faransiiska ayaa ku jira xaalad degdeg ah tan iyo markii uu weerarku ka dhacay magaalada Paris sanadkii 2015kii.

Ammaanka ayaa aad loogu adkeeyay wareegii u dambeeyay ee doorashada madaxweynaha oo Axaddii dhacday.

Wargaysku wuxuu intaas ku daray in booliisku ay hawlgallo ka sameeyeen Bordeaux, Marseille iyo Paris balse aysan gacanta ku dhigin saddexdii nin.

Muuqaal baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujiyay baabuur badan oo booliis oo waardiyaynaya boosteejada tareenka.

Mowduucyada la xiriira