Dadka Koonfur Afrika oo looga digay shan libaax oo baxsatay

Dadka duurjoogta jecel ayaa aad u booqda dalka Koonfur Afrika Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka duurjoogta jecel ayaa aad u booqda dalka Koonfur Afrika

Booliiska iyo ilaalada beeraha xayaanka ee dalka Koonfur Afrika ayaa baadigoobaya shan libaax oo ka baxsatay beerta xayawaanka ee Kruger National Park.

Arrintan ayaa dhalisay cabsi laga qabo macquulnimada weerarro ay u gaytaan dadka iyo xoolaha.

Ma cadda sida ay libaaxyadaasi u baxsadeen.

Booliisku waxay dadka ugu baaqeen in ay feejignaadaan gaar ahaan dadka ka agdhaw xuduudda dalka ay deriska yihiin ee Mozambique.

Waxyaabaha ku qarsoon hurdada maroodiga

Taiwan oo mamnuucday in la qasho bisadaha iyo ayda

Website-ka eNCA ayaa Leonard Hlathi oo afhayeen booliiska u hadlay ah ka soo xigtay in uu yiri "Bulshadu ha iska ilaaliso libaaxyada, libaaxyadii wali lama qabanin taasina khatar ayay u keenaysaa dadka maadaama ay dadku jidkaas u adeegsadaan si joogto ah. Xataa dadka gawaarida saaran ee isku daya in ay xaajo gutaan halis badan ayaa soo wajihi karta ".

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Xayawaan dabar go' qarka u saaran