Kabila oo soo dhisay xukuumad cusub

Madaxweyne Joseph Kabila ayaa talada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo hayay 16-kii sano ee lasoo dhaafay Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweyne Joseph Kabila ayaa talada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo hayay 16-kii sano ee lasoo dhaafay

Madaxweynaha wadanka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Koongo, Joseph Kabila, ayaa soo dhisey dowlad ku meel gaadh ah iyada oo ay isla markiiba ka hor yimaadeen xisbiga weyn ee mucaaradka ah oo sheegey in talaabadaasi ay ka hor imaneyso heshiiskii ahaa in dowlad wadaaga la dhiso.

Dhamaan wasiirada magacyadooida laga sheegey muuq baahiyaha qaranka waxa ay ku jireen maamulkii hore.

Waxa lagu wadey heshiiska dowladda wadaaga ah lagu dhisayo in lagu soo af jaro rabshadihii dhashay markii uu madaxweyna Kabila diidey in uu xilka ka dego markii mudadiisi dhamaatey.

Xisbiga mucaaradka ayaa u ogolaadey in uu Kabila xilka hayo ilaa iyo inta dowlada wadaaga ah ee ku meel gaadhka ahi diyaarinayso doorashada oo la filayo in ay dhacdo sannadka danbe.