Gudaha baarlamaanka Australia oo markii ugu horaysay ilmo lagu dhex nuujiyay

Xildhibaanad Larissa Waters iyo gabadheeda Alia Joy Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xildhibaanad Larissa Waters iyo gabadheeda Alia Joy

Larissa Waters oo ah haweenay reer Australia ah ayaa noqotay siyaasiyaddii u horaysay ee ilmaheeeda naas ku dhex nuujisa baarlamaanka dalkaas.

Larissa oo ka tirsan xisbiga garabka bidix ee Greens party ayaa quudisay gabadheeda labada billood jirta ee Alia Joy iyadoo codayn ay socotay Talaadadii.

Aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa meelmariyay sanadkii hore in dumarka xubnaha ka ah ay carruurta ku nuujisan karaan aqalka gudihiisa, waxaase go'aankaas uga sii horeeyay Aqalka Senate-ka inkastoo midkoodna uusan fulinin hadda ka hor.

Arrintani waxay dabo socotay dhaleecayn ay la kulmeen 2015kii ka dib markii ay Kelly O'Dwyer oo wasiirad ah ay ka dalbadeen in ay ilmaheeda u sii listo naasaha si aysan u seegin hawlaheeda baarlamaanka.

Larissa ayaa Facebook-geeda ku soo qortay "Waxaan u baahanahay waalid badan oo baarlamaanka ku jira

"Waxaana sidoo kale u baahannahay goobo qoysaska u wanaagsan iyo shaqo dabacsan iyo hannaan caafimaadka carruurta qaabilsan oo qof walbe awoodi karo", ayay hadalka sii raacisay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan