Australia oo magangalyo doon ku heshay dambiyo dagaal

Eedaysanaha ayaa la sheegay in uu qirtay in uu dilay 20 ruux Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Eedaysanaha ayaa la sheegay in uu qirtay in uu dilay 20 ruux

Qof magangalyo doon ah ayay xabsi daa'in ku xukuntay maxkamad ku taalla Australia ka dib markii lagu helay in uu 20 ruux ku dilay Suuriya.

Wiilkan oo 27 jir ah oo aan magaciisa la shaacinin ayaa lagu eedeeyay in uu toogtay dad aan hubaysnayn iyo askar dhaawac ah, ka dib markii uu dagaal ka dhacay magaalada Xoms.

Ninkan oo laga xiray galbeedka Australia bishii lixaad ee sanadkii hore ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay.

Waxaa loo malaynayaa in ay tahay markii koobaad ee Australia lagu qaado dacwad la xiriirta dambiyo dagaal oo Suuriya ka dhacay.

Xukunkan xabsi daa'inka ah waxaa ridday maxkamad ku taalla magaalada Innsbruck, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Australia ee magaceeda loo soo gaabiyo APA.

Warar hore oo ay qoreen warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in ninkani uu dad kale oo qaxooti ah u sheegay in uu laayay askarta dawladda isagoo markaas u dagaalamayay koox jihaad doon ah oo lagu magacaabo Farouq Brigade, oo lala xiriiriyo jabhadda Ciidammada Suuriya ee Xorta ah.

Laakiin qareenkiisa ayaa sheegay in sheegashadiisa dhacdadaas si kale loo tarjumay uuna rajaynayo in uu racfaan ka qaadan doono xukunka lagu riday.

Sida ay sheegtay warbaaahinta Der Standard, waa Falastiini ku soo koray xero qaxooti oo ku taalla magaalada Homs.

Australia ma awooddo in ay masaafuriso ninkan si uu cadaaladda ugu wajaho gudaha Suuriya maadaama oo ay dalkaas ka socdaan dagaallo sokeeye.

In la dilo askari dhaawac ah waa mamnuuc sida uu dhigayo Axdiga Geneva.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Xasuuqii Suuriya