Aroos Hindiya ka dhacayay oo ay ku dhinteen 22 ruux

Martida arooska ayaa ka gabanayay roob iyo duufaan xoog badan Lahaanshaha sawirka BANWARI UPADHYAY
Image caption Martida arooska ayaa ka gabanayay roob iyo duufaan xoog badan

Ugu yaraan 22 ruux ayaa dhimatay ka dib markii ay dabayl xoog badani ku dumisay darbi iyaga oo ka qaybqaadanaya aroos ka dhacayay waqooyiga Hindiya.

26 ruux oo kale ayaa ku dhaawacantay dhacdadan oo ka dhacday Bharatpur oo ah degmo ka tirsan gobolka Rajasthan, 15 ka mid ah dadkaas ayaana dhaawacyo halis ah qaba.

Dadkan ayay dhibaatadu soo gaartay iyaga oo darbiga kaga gabanaya roob xoog badan oo duufaan la socotay.

Warbaahinta dalkaas ayaa ku warramaysa in darbigaas ay ku ag safnaayeen cuntadii martida arooska loogu talagalay.

Anil Tank oo ka tirsan booliiska ayaa laga soo xigtay in dabayl xoog badan ay dumisay darbiga dadka waxyeeleeyay.

Bharatpur oo ah meesha ay arrintan ka dhacday waxay 200km dhanka koonfureed ka xigtaa mgaalada Delhi.