Xoola dhaqatada Kenya oo dayn ka qaadan kara bangiyada

a Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Lo'da ayaa aad looga qadariyaa dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ansixiyay sharci dadka dakhligooda uu yar yahay u ogolaanaya in ay ammaah ka qaataan bangiyada, iyaga oo rahman kara xoolaha nool sida lo'da, dalagga beeraha iyo qalabka guryaha ee sida dhalooyinka TV-yada iyo tallaagadaha.

Sharcigan ayaa looga golleeyahay in lagu kobciyo dhaqaalaha dalka, iyada oo haweenka, dhallinyarada iyo beeroleyda yaryar loo fududeynayo in ay bangiyada ka qaataan dayn.

Inta badan dumarka dalka Kenya ayaa dhibaato kala kulma in ay ammaah ka qaataan bangiyada maadaama oo aysan lahayn hantida kale ee sida guryaha.

Madaxa fulinta ee ururka baananka Kenya Habil Olaka ayaa soo dhaweeyay tallaabadaasi madaxweynaha ee lagu ogolaanayo in dadku ay rahman karaan hantida aan ma guurtada ahayn.

Bishii la soo dhaafay ayaa wasiirka maaliyadda ee dalka Zimbabwe Patrick Chinamasa wuxuu sheegay in uu doonayo sharci noocaasi ah oo ay deyn ku qaadan karaan dadka aan haysan hantida ma guurtada ah.

Balse baananka ayaa arrintaasi walaac ka muujiyay maadaama hantida sida xoolaha oo kale uu qiimahoodu hoos u dhici karo.