Wiil reer Israa'iil ah oo 14 jir ah 'oo guri lagu hayay tan iyo markii uu dhashay'

Khariidad

Wiil 14 jir ah oo la sheegay in waalidkii ay ku hayeen guriga tan iyo markii uu dhashay ayaa la sii daayay oo la geeyay meel lagu xannaaneeyo sida ay sheegeen booliiska Israa'iil.

Idaacad ay ciidanku leeyihiin ayaa sheegtay in wiilku uu booliiska u sheegay in dhismaha ay dagan yihiin laga saari jiray bishii mar ama labo, arrintaasina ay badanaa dhici jirtay habeenkii.

Mararka qaarna waxaa lagu hayn jiray shabaq guriga bannaankiisa laga sameeyay

Waalidka oo la xiray ayaa sheegay in ay sidan u sameeyeen walaac ay ka qabeen xaaladda caafimaad ee wiilka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa dawladda hoose uga cawday urka ka soo baxa dhismaha wiilka lagu hayay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacad ay milatarigu leeyihiin u sheegtay in uu dawladda wargaliyay markii uu daaqadda ka arkay wiilka yar oo u eg dadka aflaanta cabsicabsida ah jila.

"Waxaan arkay indhihiisa iyo sida uu u egyahay, taas oo 'icaawi' aan ka dheehday. Sidaas daraadeedna waxaan go'aansaday in aan ficil sameeyo ayuu yiri Chiko Waknin.

Waalidkan oo asal ahaan ka ka soo jeeda Ruushka ayaa la sheegay in ay lixdan jirro ku dhaw yihiin waxayna u soo wareegeen Hadera oo ku taala waqooyiga Tel Aviv sannadkii 2009kii, balse ma aysan ku wargalinin maamulka deegaanka in ay canug wateen, iskuulna ma aysan gaynin, sida warbaahinta deegaankaas ay ka soo xigteen qareenka hooyada wiilka dhashay.