'Inaan naasaha ka gubtay igama reebin inaan nuujiyo ilmahayga'

Hooyo guban Lahaanshaha sawirka .

Haweenay gubatay oo naaska nuujisa ilmaheeda iyadoo xannuun badan dareenta ayaa sheegtay in ay uga goleedahay in ay niyadda u dhisto hooyooyinka dhallinyarada ah ee gubtay.

Schamica Stevenson oo 34 jir ah ayaa aad gubatay markii ay jirtay labo sano ka dib markii uu dab qabsaday gurigooda oo ku yaalay gobolka Michigan ee dalka Maraykanka.

Walaalkeed oo siddeed billood jiray ayaa dhintay ka dib markii ay qaraxday haanta biyaha kululaysa ee uu dabku ka kacay. Hooyadeed ayaa awoodi wayday in ay ka soo bixiso guriga maadaama ay biro ku xirnaayeen daaqadaha guryaha.

Ma aysan nuujinin ilmaheedii curadka ahaa laakiin ilmahan oo kii labaad ah ayay go'aansatay in ay nuujiso.

Lahaanshaha sawirka .

"Waxaan doonayaa in aan sheekadayda dadka la wadaago si gabdhaha kale aysan u quusanin sidii igu dhacday markii aan labaatan jirka ahaa," sidaa ayay u sheegtay barnaamijka BBC-da ee Newsbeat iyada oo ku sugan gurigeeda Maraykanka ku yaalla.

"Mar hadday naasuhu shaqaynayaan waa in loo isticmaalaa siddii dabiiciga ahayd ee loogu talogalay."

Lahaanshaha sawirka .

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan