Cudurka Ebola oo ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo

Kuamanaan qof ayaa cudurka ugu dhimatay dalal ku yaalla galbeedka Afrika Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kuamanaan qof ayaa cudurka ugu dhimatay dalal ku yaalla galbeedka Afrika

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in cudurka Ebola uu ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo. Ugu yaraan hal qof ayuu cudurkaasi ku dilay waqooyi bari dalkaasi sida ay sheegtay hay'adda WHO.

Wuxuu ka dilaacay gobolka Bas-Uélé oo qiyaastii 1,000 km u jira caasimadda Kinshasa.

Wasaaradda caafimaadka ee Congo ayaa ku wargalisay hay'adda jiritanaka baaritaan lagu sameeyay bukaanka geeriyooday.

50 ku dhimatay daadad ku dhuftay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo

Dowladda Kongo ayaa dalbatay kaalmod deg deg ah oo lala soo gaaro si looga baaqsado inuu sii fido cudurkan.

Sanaddii 2014, ayaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxaa lagu amaanay sida ay ula tacaashaan kiisas cudurka Ebola oo dalkaasi lagu arkay. 5o qof ayaa marakasi cudurkan u dhimatay.

In ka badan 11 kun oo qof ayaa u dhintay cudurka Ebola oo ka dilaacay galbeedka Afrika sanaddii 2014 gaar ahaan dalalka Guinea, Sierra Leone iyo Liberia.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo : Shaqada macdan qodida dalka Koongo (DRC)