Gadoodkii Ciidamada Ivory Coast oo weli socda

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ciidamo kuwa Ivory Coast ah oo gadooday

Afhayeen u hadley ciidamada gadoodsan ee Ivory Coast ayaa sheegey in ay ciidanku toogasho ku dhaawaceen saddex askari oo hore uga tirsanaan jirey jabhadii xukuumadii hore ka soo horjeeday oo isku deyey in ay fashiliyaan gadoodka askarta.

Saajin Seydou Koné ayaa sheegey in ay ciidamu gebi ahaaanba xidheen magaalada Bouaké ee ku taala waqooyiga wadanka, ayna diyaar u yihiin in ay u dagaalamaan lacagta kumanaanka francs ah ee wali kaga maqan dowlada ee bishii Janaayo ugu balanqaadey.

Waxa uu sheegey in aanay askartu diyaar u ahayn in ay musharkooda wax gorgortan ah ka galaan. Rasaas ayaa ka dhacdey magaalada waqooyiga ku taala ee Korhogo, laba qof ayaana ku dhaawacmey.

Taliyaha ciidamada ayaa askarta gadoodsan ugu hanjabey in la marin doono ciqaab adag.

Dhankakale, Mar sii horeysay, qaar kamid ah Ciidamada gadooday ayaa xiray magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ivory Coast, ee Bouaké, kaddib markii ay rasaas kor u rideen, arrintan waxa ay qeyb ka tahay muran soo socday oo ku salaysan gunnooyin aanan la bixin.

Jimcihii askar gadooday oo ku sugneyd dhowr magaalado ayaa waxa ay dowladda ka dalbadeen inay bixiso qeybtii labaad ee lacagta ay u ballanqaaday bishii Janaayo, markaa oo badelkeedana ay soo afjareen kacdoonkii ay wadeen.

Dowladda ayaa waxa ay sheegsaa in aanay awoodin inay bixiyo wax ka badan 8 kun oo doolar oo ay siiso askarigiiba kuwaas oo ka kooban kumannaan qof, sababo la xiriira qiima jabka ku yimid miraha cocoa, oo ah wax soo saarka ugu ballaaran ee dalka Ivory Coast.

Askar badan ayaa sheegay inay go'aankooda ku adkaysanayaan inkastoo afhayeen u hadlay uu Khamiistii taleefishinka ka sheegay in ay codsigoodii ay ku dalbanayeen in kharashkoodii lagu siiyo ay xillagan hakiyeen.

Magaalada Bouaké waxa ay ku taal waqooyiga dalka waxa ayna udub dhexaad u aheyd gadoodkii goor hore dalkaasi Ivory Coast ka dhacay.