Beelo ku dagaalamay gobolka Galgaduud

Maleeshiyo dagaal ka qeyb qaadanaysa meel ka mid ah Soomaaliya
Image caption Maleeshiyo dagaal ka qeyb qaadanaysa meel ka mid ah Soomaaliya

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay gobolkaasi ku dagaalameen laba beelood oo halkaa wada deggan.

Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku dhintay, sideed kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleedyadaasi ka dhacay deegaanka Labi-caano ee bariga gobolka Galgaduud.

Sida dadka deegaanku ay BBC-da u sheegeen dagaal beeleedyadan ayaa ka bilowday aano hore oo dhex martay labadan beelood oo aan xal laga gaarin.

Xiisad ayaa wali deegaanka ka jirta, inkastoo aan xiligan la soo werin wax iskahor'imaadyo ah.

Dagaalada salka ku haya aanada qabiil ee dhexmara beelaha Soomaalida ayaa inta badan ku soo laablaabta dalka.