Gabdho diiday inay Boko Xaraam ka tagaan

Qaar ka mid ah gabdhihii Chibok ee sawirkooda la shaaciyay bishii May 2014, waxyar un kaddib markii la afduubtay Lahaanshaha sawirka GETTY/AFP
Image caption Qaar ka mid ah gabdhihii Chibok ee sawirkooda la shaaciyay bishii May 2014, waxyar un kaddib markii la afduubtay

Ururka Boko Xaraam ayaa baahiyay muuqaal ay ku sheegayaan inuu yahay afar gabdhood oo ka mid ah gabdhihii iskuulka Chibok oo diiday in ay kooxda ka tagaan, iyadoo sii deyntooda ay qeyb ka aheyd heshiiskii ay la galeen dowladda Nigeria.

Muuqaalka ayaa muujinaya afar gabdhood oo xiran xijaab madow, oo mid ka mid ah oo hadlaysa ay gacanta ku hayso qori.

Waxa ay ku dhawaaqaysaa in ay daacad u tahay Boko Xaraam oo waxa ay leedahay waxaan diiday inaan ku laabto guriga waalidkeed sabatoo ah waxa ay diideen inay diinta Islaamka qaataan.

Todobaadkii la soo dhaafay 82 gabdhood oo ka mid ahaa gabdhihii la afduubtay ayaa la sii daayay kaddib markii la haystay muddo saddex sano ah.

Afhayeen xilligaas u hadlay dowladda Nigeria ayaa xaqiijiyay in gabadh ay diidday inay ka soo tagto Boko Xaraam.

Gabdhahan waxa ay ka mid ahaayeen in ka badan 200 oo gabdho iskuulay ah oo 2014 laga afduubtay magaalada Chibok ee waqooyi bari Nigeria.