Sacuudiga oo xidhey dariqyada magaalada Cawaamiya

Sacuudi Arabia Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sacuudi Arabia

Waxa la xidhey wadooyinka magaalada Cawaamiya oo ay Shiicadu ku badan yihiin kadib markii lagu diley nin Pakistani ah iyo wiil yar oo laba jir ah oo dalka u dhashay.

Lama xaqiijin sababta ay xaalada magaaladu u kacsan tahay, dowladda sucuudiga ayaa sheegtey in ay dabley weerartey meel uu dhisme ka socdey oo rasaas ku fureen shaqaalihii.

Magaalada Cawaamiya oo ay hore qulqulatooyin uga dhaceen ayaa ah magaaladii uu u dhashay sheekhii Shiiciga ahaa Nimr al-Nimr oo xukun dil ah ay dowladu ku fulisey sannadkii aynu soo dhaafney