Gabar xildhibaan ah oo la jabsaday boggeeda Facebook
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabar xildhibaan ah oo la jabsaday boggeeda Facebook

Dhaca loo geystay baraha intarneedka ayaa noqday kuwo kusii baahaya caalamka, iyadaoo haatan walaac laga muujiyay weerar loo geystay koombiyuutarada in kabadan 150 waddan oo caalamka ah, kuwaasi oo kooxaha jabsaday ay doonayaan lacago baad ah si dadku ay ugu soo furaan koombiyuutaradooda.

Balse waxaa sidoo kale jira dhac loo geysta baraha xiriirka bulshada ee shakhsiyaadka magaca ku leh bulshada dhexdeeda. Arrintaasi waxa ay ku dhacday xildhibaan Shukraan Xuseen Guure oo ka tirsan baarlamaanka Kenya oo sida ay sheegtay la jabsaday isla markaana gebi ahaanba lala wareegay boggeeda Facebook, arrintaa oo ay u aaneysay siyaasad maadaama haatan ay soo dhowdahay doorashada guud ee Kenya.

Shukran ayaa sheegtay in burcadda dhacday boggeeda ay halkaa ku soo daabacayaan waxyaabo ay ku tilmaantay in lagu doonayo in lagu niyad jebiyo iyada iyo taageerayaasheeda.

Xildhibaan Shukraan Xuseen Guure, waxay khadka taleefanka ugu warrantay weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay.