Sanca oo lagaga dhawaaqay xaalad degdeg ah

Carruurta ayaa u nugul xannuunnada ka dhasha biyaha wasakhaysan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Carruurta ayaa u nugul xannuunnada ka dhasha biyaha wasakhaysan

Xaalad degdeg ah ayaa lagaga dhawaaqay caasimadda dalka Yemen ee Sanca, ka dib markii daacuun ka dilaacay uu dilay tiro dad ah.

Isbitaallada magaaladaasi oo ay maamulaan jabhadaha Xuutiyiinta ah ayaa waxaa ka buuxa dad uu hayo kaloore.

Hay'adda laanqayrta cas ayaa sheegtay in kiisaska laga shakisan yahay ee dalkaasi ay saddex jibaarmeen todobaad gudaheed iyaga oo noqday in kabadan 8,500.

Yemen waxaa la degay gaajo iyo colaado sokeeye oo horseeday in xannuunadu ay si degdeg ah u faafaan.

Saddex meeloodow labo ka mid ah dadka Yemen ma haystaan biyo nadiif ah oo ay cabaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dominik Stillhart oo ah iskudubaridaha hawlaha hay'adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Sanca Axaddii ayaa sheegay in kaloore uu dilay 115 oo dalka Yemen oo dhan kala jooga intuu u dhaxaysay 27 Abriil ilaa 13 May.

"Xaaladda daacuunka dilaacay ee wajahayno waa mid halis ah," ayuu yiri.

Magaalada Sanca ayaa ah meesha uu saamaynta ugu daran ku yeeshay, waxaana soo raaca deegaannada ku teedsan sida ay sheegtay Amanat al-Semah oo ka tirsan Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Daacuunku waa xannuun ka dhasha biyaha wasakhaysan, kaas oo ku sii faafa biyaha iyo cuntada aan nadiifta ahayn.

Calaamadihiisa waxaa ka mid ah shuban iyo mantag. Dadka uu daacuunku hayo waxay noqon karaan kuwo aad u xannuunsan haddii aan la dawayninna saacado gudahood ayay ku dhiman karaan.

Waa markii labaad ee Yemen uu ka dilaaco daacuun sanad gudahii.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption In aan la haysanin biyo nadiif ah oo la cabo ayaa uga sii daraysa xaaladda

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ayaa sheegtay todobaadkii hore in in ka yar 45% ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Yemen ay si buuxda u shaqaynayaan.

Ku dhawaad 300 isbitaal ama xarumo caafimaad ayay waxyeelo ka soo gaartay ama ku burburay dagaalka u dhaxeeya ciidammada daacadda u ah madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi oo taageero ka haysta xulafada ay Sacuudigu hogaaminayaan iyo kuwa bahwadaagta la ah Jabhadaha Xuutiyiinta ah.

Tan iyo markii uu dagaalku qarxay bishii Maarso ee sanadkii 2015kii waxaa dhintay in kabadan 8,010 oo u badan shacab waxaana ku dhaawacmay 44,500 sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Dagaalka sokeeye ayaa sidoo kale horseeday in 18.8 milyan oo ruux ay u baahdaan gargaar banii'aadannimo.