Maxaynu ka naqaanaa gantaalkan cusub ee ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi?

GANTAALKA CUSUB Lahaanshaha sawirka KCNA
Image caption gantaalka cusub ee ay Kuuriyada Waqooyi gantay Axaddii

Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay gantaalkan cusub ee ay ganeen subaxnimadii hore ee Axadii in uu ahaa gantaal ballistic ah (ballistic missile) oo ay u bixiyeen Hwasong-12. Melissa Hanham oo ku takhasustey arrimaha difaaca ayaa sharxaysa heerka ay Pyongyang ka gaadhey awooda milateriga.

Gantaalkii ay Axaddii gameen waxa uu ahaa guul, waxaanay muujineysaa awooda ay u yeesheen in ay tijaabiyaan gantaal ridadiisu dheer tahay.

Muuqaal ayaa muujiyey inuu la mid yahay gantaaladii ay ku soo ku soo bandhigeen dhuulatuskii malateri ee loogu dabaal degayey dhalashadii aabaha Kuuriyada Waqooyi ee Kim Il-sung .

Gantaalkii ay tijaabisay K/Waqooyi 'nooc cusub buu ahaa'

Trump oo u hanjabay Kuuriyada Waqooyi

Hogaamiye Kim Jong-un waxa uu ku sugnaa goobta laga ganey gantaalka sida lagu muujiyey sawirro ay qaadeen warbaahinta qaranka ee KCNA iyo Rodong Sinmun ee Kuuriyada Waqooyi.

Saacadihii ka danbeeyey markii gantaalka la ganey, xisaabaadka qiyaasta ridista iyo xogta ayaa su'aalo la iska weydiiyey.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhholatuskii Pyongyang

Talaabo ayey hore u qaadeen

Gantaalka aan la garaneyn, waxa iminka la sheegey in uu yahay gantaal ah nooca ridada dhexe oo xooggan oo ay Kuuriyada Waqooyi sheegtey in uu awood u leeyahay in uu qaadi karo nukliyeer.

Sheegashadan aan la xaqiijin waxa ay albaabka u fureysaa dhowr arrimood oo suurta gal ah oo ay ka mid tahay in aanay wali Kuuriyada Waqooyi ku guuleysan in ay sameyso gantaal qaadi kara nukliyeer ama aanay wakhti dhow soo wadin in ay sameeyso mid cusub.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi waxay baahisey in laga ganay baadiyaha waddanka oo loo ridey dhinaca bada ee bariga Gacanka Kuuriya meel u jirta 787km. Waxa uu hawada kor u gaaray 2,111.1km qiyaasta duulimaadka gantaalada.

Qiyaastani waxa ay ku dhowdahay warbixinta ay soo saareen dowladaha Mareykanka iyo Japan oo arrintan si dhaw ula socday.

Iyada oo ay xiisadu kacsan tahay, madaxa ciidamada Mareykankanka ee ku sugan baasifika kuma ay deg degin in ay gantaalka ku sifeeyaan "gantaalaha ballistika ah ee isaga gudba qaaradaha"

Lahaanshaha sawirka STR/AFP/GETTY IMAGES

Heer duulimaadka sare waxa uu u ogolaanayaa Kuuriyada Waqooyi in ay tijaabiso gantaal dhexe, mari kara heer kuleyl daran, culeys saaran yahay oo cufan.

Haddii ay sidan ku sii wadaan, waxa ay gantaaladaasi gaarsiin karaan saldhigyada Maraeykanka ee Guam.

Waa arrin si qoto dheer looga naxo

Muuqaaladu waxay muujinayaan in Hwasong-12 yahay heerkii koowaad. Waxa suurta gal ah dhismaha gantaalka in loogu tala galay qaab muuqeedka gantaalada balastika ah ee u gudbi kara qaaradaha, gaari karana dhulweynaha Mareykanka.

Gantaalkan oo la ganey maalmo uun kadib markii uu xilka la wareegey madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Moon Jae-in, dad badan ayaa si qoto dheer uga naxay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Gantaalada Pyongyang

Tijaabinta gantaalada si aad ah ayey u bateen xiiligan uu talada hayo Kim Jong-un marka loo eego aabihii iyo awowgii.

Tijaabadani waa tii 10aad sannadkan 2017ka. Tijaabadanina wey ka rido dheer tahay tijaabooyinkii barnaamijka malateriga ee gantaalada.

Taariikhda dagaalka beenta ah ee Kuuriyada Woqooyi

Ma todobaad baa inaga xiga in uu dagaal billawdo?

Madaxweynaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed waxa uu soo jeediyey in uu la hadlo Kuuriyada Waqooyi, laakiin iminka waxa uu ku khasban yahay in uu si adag ula macaamilo.

Kuuriyada Waqooyi, waxay muujisay inay ka go'antahay horumarinta tiknoolajiyada gantaalada, iyada oo ay sii xumaaneyso xiriirka wadadmada deriska oo Shiinuhu ka mid yahay, waxay diblomaasiyiintu ku noqotay laf dhuun gashay.