Wareysi, Weerarka Xogta Kombuyuutarada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirkadda Microsoft iyo Weeararka Xogta Kombuyuutarada

Shirkadda Microsoft ayaa sheegaysa in weeraradii jimcihii lagu qaaday xogta kombuyuutarada ilaa 150 waddan ay tahay in dowladaha caalamka ay u arkaan mid uun billow ah oo ay tahay in ay wax ka qabtaan.

Microsoft waxa ay sheegtay in shirkado badan ay ku guul dareysteen in ay hannaankooda koombuyuutarada casriyeeyaan, arrintaa oo sababtay in Virus-ku uu faafo.

Sidda ay sheegayaan khubarada farsamada casriga ah, Viruskan ayaa si gaar ah uu u beegsanayey qaybta gabowday ee aaladda Microsoft's Windows, arrintaa oo markii hore ay shaaciyeen sirdoonka mareykanka.

Dagaalka internet-ka ee Ruushka iyo NATO

Ruushka oo qirtay in uu billaabay dagaal dhanka internet-ka ah

Waxaana hadda jirta cabsi ah in khatartu ay ka sii dari doonto maanta oo isniin ah oo dad badani ay ku soo laaban doonaan shaqooyinkooda balse ilaa hadda waddamada Kuuriyada Koonfureed iyo Australia ayaa durbaba soo sheegaya viruskaasi.

Waxaan arintan ka wareeysanay qabiir IT ah Eng Abdullahi Ahmed Maalin oo muddo dheer dhinaca IT uga shaqeeynayey hay'adda caafimaadka ee UK NHS, ardayda Soomaliyeed Ku baro IT iskuul ku yaal xaafada Kilburn ee magaalada London. Waxa wareystey wariyaha BBCda Adam Mohamed Abdi Saalamiin.

Mowduucyada la xiriira