Gabar Soomaaliyeed oo Nairobi u tartameysa kursiga aqalka sare ee baarlamaanka Kenya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabar Soomaaliyeed oo Nairobi u tartameysa kursiga aqalka sare ee baarlamaanka Kenya

Iyadoo bilooyin uun ay ka hartay doorashada guud ee dalka Kenya ayaa waxaa soo badanaya dadka Soomaalida ah ee xilalka kala duwan uga tartamaya deegaanno ka baxsan gobolka Soomaalidu degto ee Woqooyi bari Kenya.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Ramla Macalin Maxamuud oo haatan xisbiga FORD-KENYA ugu tartameysa kursiga aqalka sare ama Senate-ka ee magaalada Nairobi, Bashkas Jugso dhacay ayay uga warantay waxa ku dhaliyay fikirkani.